Surah An-Nur Ayahs #30 Translated in Somali
الْخَبِيثَاتُ لِلْخَبِيثِينَ وَالْخَبِيثُونَ لِلْخَبِيثَاتِ ۖ وَالطَّيِّبَاتُ لِلطَّيِّبِينَ وَالطَّيِّبُونَ لِلطَّيِّبَاتِ ۚ أُولَٰئِكَ مُبَرَّءُونَ مِمَّا يَقُولُونَ ۖ لَهُمْ مَغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ
Haweenka iyo Hadalka Xunba wuxuu u Sugnaaday Nimanka Xun, kuwa Xunna waxay u sugnaadeen kuwa Xun, Kuwa Wanaagsanna waxay u sugnaadeen Kuwa Wanaagsan, kuwaasna (Caa'isha iyo Ehelkeedu) waa Ka Bari (Dheeryihiin) waxay Sheegi, waxayna Mudan Dambi Dhaaf iyo Rizqi Sharaf leh (Janno).
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَدْخُلُوا بُيُوتًا غَيْرَ بُيُوتِكُمْ حَتَّىٰ تَسْتَأْنِسُوا وَتُسَلِّمُوا عَلَىٰ أَهْلِهَا ۚ ذَٰلِكُمْ خَيْرٌ لَكُمْ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ
Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Galina Guryo aan Kuwiinna ahayn Intaad ka Idam Warsataan kana Salaantaan Ehelkooda, Saasaana idiin Khayr Roon si aad u Xusuusataan.
فَإِنْ لَمْ تَجِدُوا فِيهَا أَحَدًا فَلَا تَدْخُلُوهَا حَتَّىٰ يُؤْذَنَ لَكُمْ ۖ وَإِنْ قِيلَ لَكُمُ ارْجِعُوا فَارْجِعُوا ۖ هُوَ أَزْكَىٰ لَكُمْ ۚ وَاللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ عَلِيمٌ
Haddaydaan ka Helin Dhexdeeda Ruuxna ha Galina inta Laydinka Idmi, Haddii laydindhaho Noqdana Noqda, Saasaa idiin Wanaagsan, Eebana Waxaad Falaysaan wuu Ogyahay.
لَيْسَ عَلَيْكُمْ جُنَاحٌ أَنْ تَدْخُلُوا بُيُوتًا غَيْرَ مَسْكُونَةٍ فِيهَا مَتَاعٌ لَكُمْ ۚ وَاللَّهُ يَعْلَمُ مَا تُبْدُونَ وَمَا تَكْتُمُونَ
Ma aha Korkiinna Dhib (Dambi) Inaad Gashaan Guryo aan la Deganayn oo Dan (Anfaco) idiinku Jirto, Eebe wuxuu Ogyahay waxaad Muujinaysaan iyo waxaad Qarinaysaan.
قُلْ لِلْمُؤْمِنِينَ يَغُضُّوا مِنْ أَبْصَارِهِمْ وَيَحْفَظُوا فُرُوجَهُمْ ۚ ذَٰلِكَ أَزْكَىٰ لَهُمْ ۗ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا يَصْنَعُونَ
Waxaad ku Dhahdaa Mu'miniinta Ha Laabeen Indhahooda (Daymada Reeba) hana ka Dhawreen Furuujtooda (Zinada) saasaa u Wanaagsan, Eebana wuu Ogyahay waxay Sameyn.
Choose other languages:

Albanian

Amharic

Azerbaijani

Bengali

Bosnian

Bulgarian

Burmese

Chinese

Danish

Dutch

English

Farsi

Filipino

French

Fulah

German

Gujarati

Hausa

Hindi

Indonesian

Italian

Japanese

Jawa

Kazakh

Khmer

Korean

Kurdish

Kyrgyz

Malay

Malayalam

Norwegian

Pashto

Persian

Polish

Portuguese

Punjabi

Russian

Sindhi

Sinhalese

Somali

Spanish

Swahili

Swedish

Tajik

Tamil

Tatar

Telugu

Thai

Turkish

Urdu

Uyghur

Uzbek

Vietnamese

Yoruba
