Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Hashr Ayahs #19 Translated in Somali

كَمَثَلِ الَّذِينَ مِنْ قَبْلِهِمْ قَرِيبًا ۖ ذَاقُوا وَبَالَ أَمْرِهِمْ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ
Waxay la mid yihiin gaaladii dhawaa ee ka horreeyey ee dhadhamiyey cidhibtii camalkooda, Cadaab daranna u sugnaaday.
كَمَثَلِ الشَّيْطَانِ إِذْ قَالَ لِلْإِنْسَانِ اكْفُرْ فَلَمَّا كَفَرَ قَالَ إِنِّي بَرِيءٌ مِنْكَ إِنِّي أَخَافُ اللَّهَ رَبَّ الْعَالَمِينَ
Waxay la midyihiin Shaydaan waa ka dadka gaalow ku dhaha, markay gaaloobaanna ku yidhaah bari baan kaa ahay (waxba isuguma keen jiraan) oo sheega inuu Ilaahay ka yaabi.
فَكَانَ عَاقِبَتَهُمَا أَنَّهُمَا فِي النَّارِ خَالِدَيْنِ فِيهَا ۚ وَذَٰلِكَ جَزَاءُ الظَّالِمِينَ
Markaasay Labadooduba Cidhibtoodu noqon naar ay ku waaraan, daalimiintana saasaa lagu abaal mariyaa.
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَلْتَنْظُرْ نَفْسٌ مَا قَدَّمَتْ لِغَدٍ ۖ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۚ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ
Kuwa xaqa rumeeyey waa inay Eebe ka dhawrsadaan, Nafwalbana waa inay eegtaa waxay u hormarsatay barri (qiyaamaha) Eebena ha laga yaabo illeen wax walba waa ogyahaye.
وَلَا تَكُونُوا كَالَّذِينَ نَسُوا اللَّهَ فَأَنْسَاهُمْ أَنْفُسَهُمْ ۚ أُولَٰئِكَ هُمُ الْفَاسِقُونَ
Kuwa xaqa rumeeyey waa inayan noqon sidii kuwii Eebe hilmaamay, isna markaas uu hilmaansiiyey naftooda waana kuwo faasiqiin ah (xaqa ka leexday).

Choose other languages: