Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Hajj Ayahs #32 Translated in Somali

لِيَشْهَدُوا مَنَافِعَ لَهُمْ وَيَذْكُرُوا اسْمَ اللَّهِ فِي أَيَّامٍ مَعْلُومَاتٍ عَلَىٰ مَا رَزَقَهُمْ مِنْ بَهِيمَةِ الْأَنْعَامِ ۖ فَكُلُوا مِنْهَا وَأَطْعِمُوا الْبَائِسَ الْفَقِيرَ
inay Joogaan (u yimaadaan) Nacfigooda Dartiis, oy xusaan Magaca Eebe Maalmo la Yaqaan, waxa Eebe ku Arzaaqay oo ah Xayawaanka nicmoolayda, ca Cuna Xaggeeda Quudiyana kan Dhibaataysan ee Faqiirka ah.
ثُمَّ لْيَقْضُوا تَفَثَهُمْ وَلْيُوفُوا نُذُورَهُمْ وَلْيَطَّوَّفُوا بِالْبَيْتِ الْعَتِيقِ
markaas ha Dhammeeyeen hasaastooda, hana Oofiyeen nadorkooda, hana Dhawaafeen Baydka Horeeyey.
ذَٰلِكَ وَمَنْ يُعَظِّمْ حُرُمَاتِ اللَّهِ فَهُوَ خَيْرٌ لَهُ عِنْدَ رَبِّهِ ۗ وَأُحِلَّتْ لَكُمُ الْأَنْعَامُ إِلَّا مَا يُتْلَىٰ عَلَيْكُمْ ۖ فَاجْتَنِبُوا الرِّجْسَ مِنَ الْأَوْثَانِ وَاجْتَنِبُوا قَوْلَ الزُّورِ
Waa Saas, Ruuxii Wayneeya wuxuu Reebay Eebe Saasaa u Khayrroon Eebihiis Agtiisa, waxaana laydiin banneeyey Nicmoolayda waxa Laydinku akhriyo Mooyee, ee ka Dheeraada Xumaanta ah Sanamyada kana Dheeraada Hadalka Beenta ah.
حُنَفَاءَ لِلَّهِ غَيْرَ مُشْرِكِينَ بِهِ ۚ وَمَنْ يُشْرِكْ بِاللَّهِ فَكَأَنَّمَا خَرَّ مِنَ السَّمَاءِ فَتَخْطَفُهُ الطَّيْرُ أَوْ تَهْوِي بِهِ الرِّيحُ فِي مَكَانٍ سَحِيقٍ
Idinkoo u Toosan Eebe oon Mushrikiin ahayn, Ruuxii u Shariig yeela Eebe wuxuu la mid yahay mid ka Soo Dhacay Samada oy Dafi Shimbirtu ama ay ku Tuuri Dabaysho Meel Dheer oo halaag ah.
ذَٰلِكَ وَمَنْ يُعَظِّمْ شَعَائِرَ اللَّهِ فَإِنَّهَا مِنْ تَقْوَى الْقُلُوبِ
waa Saas Ruuxii wayneeya Amarada Eebe (Sharcigiisa) taasi waa dhawrsashada Quluubta.

Choose other languages: