Surah Al-Hadid Ayahs #27 Translated in Somali
لِكَيْلَا تَأْسَوْا عَلَىٰ مَا فَاتَكُمْ وَلَا تَفْرَحُوا بِمَا آتَاكُمْ ۗ وَاللَّهُ لَا يُحِبُّ كُلَّ مُخْتَالٍ فَخُورٍ
Si aydaan ugu murugoonin wixii idinka taga aydaan uguna farxin wuxuu idin siiyo, Eebe ma jecla Ruux kasta oo isla wayn oo faanbadan.
الَّذِينَ يَبْخَلُونَ وَيَأْمُرُونَ النَّاسَ بِالْبُخْلِ ۗ وَمَنْ يَتَوَلَّ فَإِنَّ اللَّهَ هُوَ الْغَنِيُّ الْحَمِيدُ
Oo ah kuwa bakhayli dadkana fari bakhaylnimo, Ruuxii jeedsadana Eebe waa ka hodon mahadsan.
لَقَدْ أَرْسَلْنَا رُسُلَنَا بِالْبَيِّنَاتِ وَأَنْزَلْنَا مَعَهُمُ الْكِتَابَ وَالْمِيزَانَ لِيَقُومَ النَّاسُ بِالْقِسْطِ ۖ وَأَنْزَلْنَا الْحَدِيدَ فِيهِ بَأْسٌ شَدِيدٌ وَمَنَافِعُ لِلنَّاسِ وَلِيَعْلَمَ اللَّهُ مَنْ يَنْصُرُهُ وَرُسُلَهُ بِالْغَيْبِ ۚ إِنَّ اللَّهَ قَوِيٌّ عَزِيزٌ
Dhab ahaan baan ula dirray Rasuulladannadii xujooyin, waxaana u soo dajinnay Kutub iyo Caddaalad, si dadku ugu tooso Caddaalad, waxaana soo dajinnay birta iyadoo Shiddo ku dheehantahay iyo nacfi dadka iyo in Eebe muujiyo Cidda u gargaari isaga (Diinta) iyo Rasuulladiisa iyagoon arkaynin, Eebana waa Xoog badane Adkaade ah.
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا نُوحًا وَإِبْرَاهِيمَ وَجَعَلْنَا فِي ذُرِّيَّتِهِمَا النُّبُوَّةَ وَالْكِتَابَ ۖ فَمِنْهُمْ مُهْتَدٍ ۖ وَكَثِيرٌ مِنْهُمْ فَاسِقُونَ
Dhab ahaan baan u dirray (nabi) Nuux iyo (nabi) Ibraahim, waxaana yeellay faracooda Nabinnimo iyo Kitaabbo loo soo dajiyay, waxaana ka mid ah kuwa hanuunay, waxbadan oo ka mid ahna waa Faasiqiin.
ثُمَّ قَفَّيْنَا عَلَىٰ آثَارِهِمْ بِرُسُلِنَا وَقَفَّيْنَا بِعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ وَآتَيْنَاهُ الْإِنْجِيلَ وَجَعَلْنَا فِي قُلُوبِ الَّذِينَ اتَّبَعُوهُ رَأْفَةً وَرَحْمَةً وَرَهْبَانِيَّةً ابْتَدَعُوهَا مَا كَتَبْنَاهَا عَلَيْهِمْ إِلَّا ابْتِغَاءَ رِضْوَانِ اللَّهِ فَمَا رَعَوْهَا حَقَّ رِعَايَتِهَا ۖ فَآتَيْنَا الَّذِينَ آمَنُوا مِنْهُمْ أَجْرَهُمْ ۖ وَكَثِيرٌ مِنْهُمْ فَاسِقُونَ
Markaasaan raacinnay Raadkoodii Rasuulladanadii, waxaana raacinnay Ciise Binu maryama, waxaana siinay Injiil, waxaana yeellay Quluubta kuwii raacay isudanqasho iyo naxariis iyo Ruhbaaniyad (Adduun ka jeedsi) ay iyagu billawdeen oonaan ku faral yeelin, doonidda raalli ahaanshaha Eebe dartiis yayna u faleen, mase ayna ilaalinin ilaalin xaq ah, waxaana siinnay kuwii rumeeyay oo ka mid ah ajrigoodii, wax badan oo ka mid ahna waa faasiqiin.
Choose other languages:

Albanian

Amharic

Azerbaijani

Bengali

Bosnian

Bulgarian

Burmese

Chinese

Danish

Dutch

English

Farsi

Filipino

French

Fulah

German

Gujarati

Hausa

Hindi

Indonesian

Italian

Japanese

Jawa

Kazakh

Khmer

Korean

Kurdish

Kyrgyz

Malay

Malayalam

Norwegian

Pashto

Persian

Polish

Portuguese

Punjabi

Russian

Sindhi

Sinhalese

Somali

Spanish

Swahili

Swedish

Tajik

Tamil

Tatar

Telugu

Thai

Turkish

Urdu

Uyghur

Uzbek

Vietnamese

Yoruba
