Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Ankabut Ayahs #69 Translated in Somali

لِيَكْفُرُوا بِمَا آتَيْنَاهُمْ وَلِيَتَمَتَّعُوا ۖ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ
si ay uga gaaloobaan waxaan siinay uguna raaxaystaan, wayse ogaan doonaan (Cidhibteeda).
أَوَلَمْ يَرَوْا أَنَّا جَعَلْنَا حَرَمًا آمِنًا وَيُتَخَطَّفُ النَّاسُ مِنْ حَوْلِهِمْ ۚ أَفَبِالْبَاطِلِ يُؤْمِنُونَ وَبِنِعْمَةِ اللَّهِ يَكْفُرُونَ
miyeyna arkeyn Gaaladii (Qureesheed) inaan yeeley (dajiney) Xaram aamin ah oo ladafayo Dadka dhinacyadooda ah, mabaadilbay rumeyn oo nicmada Eebe ka gaaloobi.
وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ افْتَرَىٰ عَلَى اللَّهِ كَذِبًا أَوْ كَذَّبَ بِالْحَقِّ لَمَّا جَاءَهُ ۚ أَلَيْسَ فِي جَهَنَّمَ مَثْوًى لِلْكَافِرِينَ
Cidna kama dulmi badna ruux ku been abuurtay Eebe korkiisa ama beeniyey xaqa markuu u yimid, miyeyna ahayn Jahannamo Hoyga Gaalada.
وَالَّذِينَ جَاهَدُوا فِينَا لَنَهْدِيَنَّهُمْ سُبُلَنَا ۚ وَإِنَّ اللَّهَ لَمَعَ الْمُحْسِنِينَ
kuwa ku jahaaday Dartanno waxaanu ku hanuunin Jidkanaga, Eebana wuxuu la jiraa kuwa wanaagga fala.

Choose other languages: