Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Ankabut Ayahs #38 Translated in Somali

إِنَّا مُنْزِلُونَ عَلَىٰ أَهْلِ هَٰذِهِ الْقَرْيَةِ رِجْزًا مِنَ السَّمَاءِ بِمَا كَانُوا يَفْسُقُونَ
waxaanu ku soo dajin magaalada Dadkeeda Dhagaxyo (Naarced) oo Samada ka yimid faasiqnimadooda darteed.
وَلَقَدْ تَرَكْنَا مِنْهَا آيَةً بَيِّنَةً لِقَوْمٍ يَعْقِلُونَ
waxaanu kaga tagnay magaaladaa calaamad u muuqata Qoomkii wax kasi.
وَإِلَىٰ مَدْيَنَ أَخَاهُمْ شُعَيْبًا فَقَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللَّهَ وَارْجُوا الْيَوْمَ الْآخِرَ وَلَا تَعْثَوْا فِي الْأَرْضِ مُفْسِدِينَ
ree Madyanna (waxaanu u diray Walaalkood (Nabi) Shucayb wuxuuna ku yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe, rajeeyana (ka yaaba) Maalintii dambaysay hana la soconina dhulka fasaadin.
فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَتْهُمُ الرَّجْفَةُ فَأَصْبَحُوا فِي دَارِهِمْ جَاثِمِينَ
markaasay beeniyeen waxaana qabtay Gariir (iyo Qaylo) waxayna noqdeen kuwo Lawyaha u dhaca.
وَعَادًا وَثَمُودَ وَقَدْ تَبَيَّنَ لَكُمْ مِنْ مَسَاكِنِهِمْ ۖ وَزَيَّنَ لَهُمُ الشَّيْطَانُ أَعْمَالَهُمْ فَصَدَّهُمْ عَنِ السَّبِيلِ وَكَانُوا مُسْتَبْصِرِينَ
Caad iyo Thamuudna (waan halaagnay), «halaagooduna» wuxuu idiinka muuqdaa Guryahoodii, wuxuuna u qurxiyey Shaydaan Camal koodi, wuxuuna kaleexiyey Jidka waxayna ahaayeen kuwo wax arka (haday waantoobi).

Choose other languages: