Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Anfal Ayahs #43 Translated in Somali

وَقَاتِلُوهُمْ حَتَّىٰ لَا تَكُونَ فِتْنَةٌ وَيَكُونَ الدِّينُ كُلُّهُ لِلَّهِ ۚ فَإِنِ انْتَهَوْا فَإِنَّ اللَّهَ بِمَا يَعْمَلُونَ بَصِيرٌ
la Dagaallama Galada intaan Gaalnimo iyo «Xumaan» laga helin una ahaato Diintu Dhammaan Eebe, hadday Reebtoomaan Eebe waxay Fali wuu Arkayaa.
وَإِنْ تَوَلَّوْا فَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ مَوْلَاكُمْ ۚ نِعْمَ الْمَوْلَىٰ وَنِعْمَ النَّصِيرُ
Hadday Jeedsadaanna ogaada in Eebe yahay Gargaarihiinna isagaana u Fiican Gargaare.
وَاعْلَمُوا أَنَّمَا غَنِمْتُمْ مِنْ شَيْءٍ فَأَنَّ لِلَّهِ خُمُسَهُ وَلِلرَّسُولِ وَلِذِي الْقُرْبَىٰ وَالْيَتَامَىٰ وَالْمَسَاكِينِ وَابْنِ السَّبِيلِ إِنْ كُنْتُمْ آمَنْتُمْ بِاللَّهِ وَمَا أَنْزَلْنَا عَلَىٰ عَبْدِنَا يَوْمَ الْفُرْقَانِ يَوْمَ الْتَقَى الْجَمْعَانِ ۗ وَاللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ
Ogaadana waxaad Qanimaysataan in Eebe Shan Meelood Meel Leeyahay, iyo Rasuulku, iyo Qaraabada, iyo Agoonta, iyo Masaakiinta, iyo Socdaalka, haddaad tihiin kuwo Rumeeyey Eebe iyo waxaan ku Dejinnay Addoonkanaga Maalintii kala Bixinta, Maalintay kulmeen Labadii Col (Badar) Eeebana wax kasta (oo uu Doono) wuu karaa.
إِذْ أَنْتُمْ بِالْعُدْوَةِ الدُّنْيَا وَهُمْ بِالْعُدْوَةِ الْقُصْوَىٰ وَالرَّكْبُ أَسْفَلَ مِنْكُمْ ۚ وَلَوْ تَوَاعَدْتُمْ لَاخْتَلَفْتُمْ فِي الْمِيعَادِ ۙ وَلَٰكِنْ لِيَقْضِيَ اللَّهُ أَمْرًا كَانَ مَفْعُولًا لِيَهْلِكَ مَنْ هَلَكَ عَنْ بَيِّنَةٍ وَيَحْيَىٰ مَنْ حَيَّ عَنْ بَيِّنَةٍ ۗ وَإِنَّ اللَّهَ لَسَمِيعٌ عَلِيمٌ
Xusuusta markaad ahaydeen Dhinicii u Dhawaa (Badar) Gaaladuna ahayd Dhinicii ka Fogaa (Badar) Safarkiina idinka Hooseeyey hadaad isu yahoohdan (Ballana) waad isku Khilaafi lahaydeen Ballanka, Eebaase Falay inuu Xukumo Amar uu Fali in Cidto, Ciddii Noolaanna si Cad u Noolaato, Eebana waa Maqle Og.
إِذْ يُرِيكَهُمُ اللَّهُ فِي مَنَامِكَ قَلِيلًا ۖ وَلَوْ أَرَاكَهُمْ كَثِيرًا لَفَشِلْتُمْ وَلَتَنَازَعْتُمْ فِي الْأَمْرِ وَلَٰكِنَّ اللَّهَ سَلَّمَ ۗ إِنَّهُ عَلِيمٌ بِذَاتِ الصُّدُورِ
Markuu idinku Tusiyey Eebe Galada Hurdada iyagoo yar, haddu ku Tusiyo lyagoo Badanna waad Fashili lahaydeen ood ku Murmi lahaydeen Amarka, Eebaase Nabadgaliyey, Illeen wuu Ogyahay waxa Laabta ku Sugane.

Choose other languages: