Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Anbiya Ayahs #93 Translated in Somali

وَزَكَرِيَّا إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُ رَبِّ لَا تَذَرْنِي فَرْدًا وَأَنْتَ خَيْرُ الْوَارِثِينَ
Zakariyana (Xusuuso) markuu u Dhawaaqay Eebihiis isagoo Ich Eebow hayga Tagin Anoo Kali ah Adaa u Khayrroon Cid wax dhaxashee «u hadhee».
فَاسْتَجَبْنَا لَهُ وَوَهَبْنَا لَهُ يَحْيَىٰ وَأَصْلَحْنَا لَهُ زَوْجَهُ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا يُسَارِعُونَ فِي الْخَيْرَاتِ وَيَدْعُونَنَا رَغَبًا وَرَهَبًا ۖ وَكَانُوا لَنَا خَاشِعِينَ
Waana Ajiibnay waxaana Siinay Yaxye waxaana u Hagaajinay Haweennaydiisii, waxayna ahaayeen kuwo u Deg dega Khayaadka oo Na barya iyagoo Rajayn oo Cabsan waxayna ahaayeen kuwa Noo Khusuuca.
وَالَّتِي أَحْصَنَتْ فَرْجَهَا فَنَفَخْنَا فِيهَا مِنْ رُوحِنَا وَجَعَلْنَاهَا وَابْنَهَا آيَةً لِلْعَالَمِينَ
Tiina (Xusuuso) Dhawrtay Xubinteedaa waa (maryama) oon ku Afuufnay Dhexdeeda Ruuxdanadii kana yeellay iyada iyo Wiilkeeda Calaamadda Caalamka.
إِنَّ هَٰذِهِ أُمَّتُكُمْ أُمَّةً وَاحِدَةً وَأَنَا رَبُّكُمْ فَاعْبُدُونِ
Tani waa Diintiinii waana Diin kaliya Aniguna waxaan Ahay Eebihiin ee I caabuda.
وَتَقَطَّعُوا أَمْرَهُمْ بَيْنَهُمْ ۖ كُلٌّ إِلَيْنَا رَاجِعُونَ
waxayse isku Khilaafeen Amarkoodii Dhexdooda Dhammaanna Xagaygaa loo soo Celin.

Choose other languages: